Ciidanka Melatariga ee dalka Masar oo gacanta ku dhigay hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiin Dr Maxamed Badiic
August 20, 2013 - Written by EditorQaahira:-Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee dalka Masar oo kaashanaya ciidanka sirdoonka ay gacanta ku dhigeen saaka hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Maxamed Badiic waxaana ciidanka ay ka qabteen gudoomiyaha Ururka Ikhwaan Muslimiin xaafada Nasr City .
Tv Rasmiga ee ku hadla Afka dowlada ayaa waxaa laga sii daayey Muuqaal muujinaya qaabkii ay ciidanka Melatariga dalka Masar u qabteen gudoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin Dr Maxamed Badiic waxaana sidoo kale lala qabtay Xasan Maalik oo ah maalqabeen ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin ,iyo Yuusuf Dhalcat oo ah afhayeenka kooxda soo celinta Sharciyada .
Ciidanka Meltariga ee Afganbiga ku qabsaday dalka Masar ayaa ku eedeeyey Gudoomiyaha Ikhwaanul Muslimiin Dr.Maxamed Badiic in uu huriyey rabshadaha haatan ka socda dalka Masar waxaana si gaar ah loogu eedeeyey in uu ku baaqay dil taas oo ah been iska cad.
A/Cawale
Halgan.net