Ciidanka Melatariga ee dalka Masar oo gacanta ku dhigay hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiin Dr Maxamed Badiic

August 20, 2013 - Written by Editor

masar2Qaahira:-Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee dalka Masar oo kaashanaya ciidanka sirdoonka ay gacanta ku dhigeen saaka hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Maxamed Badiic waxaana ciidanka ay ka qabteen gudoomiyaha Ururka Ikhwaan Muslimiin xaafada Nasr City .

Tv Rasmiga ee ku hadla Afka dowlada ayaa waxaa laga sii daayey Muuqaal muujinaya qaabkii ay ciidanka Melatariga dalka Masar u qabteen gudoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin Dr Maxamed Badiic waxaana sidoo kale lala qabtay Xasan Maalik oo ah maalqabeen ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin ,iyo Yuusuf Dhalcat oo ah afhayeenka kooxda soo celinta Sharciyada .

Ciidanka Meltariga ee Afganbiga ku qabsaday dalka Masar ayaa ku eedeeyey Gudoomiyaha Ikhwaanul Muslimiin Dr.Maxamed Badiic in uu huriyey rabshadaha haatan ka socda dalka Masar waxaana si gaar ah loogu eedeeyey in uu ku baaqay dil taas oo ah been iska cad.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online