Dadaalo lagu sii daynayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka socda Muqdisho

August 18, 2013 - Written by Editor

Sheekh-XasanMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo lagu sii deynayo Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaana xalay kulan lagu falanqeynayo xaalada Sheekha uu ka dhacay Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa qeyb joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada DFS Jen Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha  C/kariin Xuseen Guuleed, Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad Suggida DFJen  Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ilaa intii uu u soo gacan galay DFS wuxuu ku xirnaa dhismaha Habar Khadiijo,ee Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaana wili socda dadaalo lagu sii deynayo Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa jira qodobo dhowr ah oo la hordhigay Sheekh Xasan balse wili si rasmi ah looma shaacin.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka beesha uu ka soo jeedo Sheekh Xasan in ay DFS garab istaagaan si xal looga gaaro arinka Sheekh Xasan Daahir Aweys.Warar soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Damujadiid ay ku dhagan yihiin  in Sheekh Xasan uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan Al-Shabaab iyo DFS oo uu gaalnimo ku xukumay ka hor inta  aan la sii deyn.

Sheekh Xasan Daahir Aweys  ayaa ahaa xubin ka mid ah Ururka Al-Shabaab ka hor inta uusan soo shaac bixin khilaafka ka dhex aloosan Al-Shabaab ee keenay in si dhagar ah loo dilo  Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan uuna isaga baxo Degmada Baraawe.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online