Sh. Shibli oo Khudbaddiisii maanta ku sheegay in Xassaan Xuseen uu yahay ninka ugu xadgudubka badan [Dhagayso]

August 30, 2013 - Written by Editor

shible1Nairobi:-Sh.Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah dalka culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa jimcihii 3-aad waxaa uu khudbadihii Jimce uu uga hadlay waajibka ka saaran Culimada diinta Islaamka in ay ka difaacaan kuwa beenaalayaasha ah  ee iyagu shaqadoodu tahay in ay bedelaan nusuusta Quraanka iyo Sunadda Nabigeena Mohamed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

Sh Maxamed Shibli ayaa waxaa uu sheegay in culimada diinta Islaamka ay ula dhaqmi jireen kuwa beenalayaasha ee diinta ka been sheega iyagoo xirta shaatiga culimada, Sheekh ayaa sheegay in kuwaas diinta ku xadgudba ay culimadu mar ay u naseexin jireen, marna ay ku adkeyn jireen hadalka , marna ay dadka uga digi jireen.

Sh Maxamed Shibli ayaa waxaa uu khudbadiisa ku soo qaaday Xassaan Xuseen Aadan oo uu ku tilmaay mid ku xad gudbay diinta Islaamka isagoo ku been abuurta culimada islaamka isagoo wax  uu culimada ka soo  naqliyo ay tahay mid aan sugnayn. Sh Maxamed Shibli ayaa sheegay in Xassaan Xuseen Aadam uu yahay ninka dhalinyarada aan diinta aqoon  u fadwooday culimadii Soomaaliyeed ee lagu laayey Soomaaliya oo qaar kood la dilay iyagoo Rukuucsan kuna guda jira Salaad Casar.

Sheekh.Shibli  ayaa sheegay in haddii la raaco manhajka Xassaan Xuseen Aadam oo isaga lagu dabaqo uusan noqon karin qof Muslin ah, Sh Maxamuud Shibli ayaa sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay dhgaysteen muxaadardii uu ugu magacdaray. Xassaan Xuseen gari ma ku gashaa.

Sheekh.Shibli ayaa sheegay in uu soo bandhigi doon qoraalo uu leeyahay Xassaan Xuseen Aadam oo isagu sheegtay balse ay culimo kale ay leeyihiin, halka qoraalada qaar ay yihiin kuwa uu googooyey oo uu uga been abuurtay culimada islaamka.

Sheekh.Shibli ayaa waxaa kale oo khudbadiisa ku sheegay in qofka labaad ee ku dhacay quluwiga iyo xadgudubka diineed uu yahay Sh Xassan Daahir Aweys oo isagu aan la mid ahayn Xassaan Xuseen ,Sh Shibli ayaa xusay in Sh Xassan Daahir Aweys uu dhinac Masaa’ilka Ictiqaadiga iyo Mas’aailka Camalka iyo Tadbiiqaa uu ka galay Quluwiga taas oo sababtay banaysiga dhiiga iyo sharafta muslimiinta. Sh Shibli ayaa sheegay in khudbo jimcaha danbe uu uga hadli doona haddii alle idmo Sh Xassan Daahir Aweys

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-hidaaya Sh Shibli ee magaalada Nairobi

[audio:https://halgan.net/Mp3/khudbadi manta sh shibli sh xasaan.MP3 ] ama Halkaan ka dhagayso

 

Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi,Kenya

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online