Puntland oo soo bandhigtay qodobada laga bedelay Dastuurka DFS[War-saxaafadeed]

August 11, 2013 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa maanta ay dowllada Puntlland ay u soo bandhigtay saxaafadda kale duwan eek a howl gasha Puntlland Nuqul ay ku xuseen qodobada rasmiga ah ee Dastuurka Dowllada Federaalka ah lga bedelay ama laga saaray. Nuqul ka mid ah oo la soo gaarsiiyey Halgan.net ayaa waxaa uu u qornaa sida hoos ku xusan:-
Qodobada laga Bedelay Nuqulkii Dastuurka ee Rasmiga (Provisional Federal Constitution of Somalia, signed in Nairobi on June 22, 2012) Waxaa diyaariyay Dowladda Puntland, March 9, 2013
1. Qodobka 9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka, waxaa lagu kordhiyey (Magaalo madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya waa mugdisho), halka nuqulkii lagu heshiiyey dhigayo,( maqaamka magaalo madaxda federaalka soomaalia waxaa go’aan laga gaari doonaa dib u eegista dastuurka)
2. Qodobka 16-aad cinwaanku wuxuu u qoranaa sidatan: ”Xorriyadda abuuridda iyo ka mid noqoshada Ururrada”, waxaana loo bedeley: Xorriyadda ka mid noqoshada.
3. Qodobka 26,aad, ee ka hadlaya hantida. Waxaa laga saaray faqrada sadexaad ee nuqulkii rasmiga, ahaa, taasoo u qoran sidan: 3. faqrada 1, iyo 2, ee qodobkan
laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49,aad,
4. Qodobka 44aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka. Ee nuqulkii rasmiga ahaa wuxuu ka koobnaa 6 faqradood, ama prograph, waxaa laga tirtiray faqrada 5,aad, oo u dhigan sidan: 5, kala qeexida awoodaha dawlada federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah dowlad federaalka ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa,
5. Qodobka 49aad: faqradda koowaad xarafka (b) waxay u qorneyd sidatan: ”Heerka dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalka oo ay hoos imaanayaan Dawladaha degaanka”, waxaa loo beddeley sidatan: Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda federaalka waxaa ka kooban tahay xukuumaddu ka tirsan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Hoose.
6. Qodobka 50aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka, faqradiisa 5,aad oo u dhigan sidan: 5, xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobolada ee jiray 1990-kii, (waxaa loo bedelay 1991’kii).
7. Qodobka 52-aad, faqradda 5-aad, xarafka (b) waxaa lagu kordhiyey ereyga hay-ado.
8. Qodobka 55aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha, waxaa lagu siyaadiyey ( oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumada Federaalka).
9. Qodobka 69aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka Golaha shacabka, faqradiisa 4,aad, waxay u qoran tahay sidan: 4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegto lix-bilood maalinta Goluhu diiday,(waxaa loo bedelay 30,maalmood).
10. Qodobka 72aad ee ka hadlaya Aqalka Sare , waxaa laga saaray ama laga tirtiray faqrada u danbaysa xarafka (J), in ay gutaan waajibaadka kale ee dastuurku ku farad yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo.
11. Qodobka 76-aad faqradda 4-aad waxay u qorneyd sidatan: ”Mashruuc sharci oo Goluhu diidey dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay soo wareegto lix bilood maalinta Goluhu diidey”. Waxaa lagu beddeley sidatan: ilaa ay soo wareegto 30 (soddon) maalmood.
12. Qodobka 80-aad, faqradda 1-aad xarafka (Ab) oo u qornaa sidatan: ”Qoridda iyo soo jeedinta”, waxaa loo habeeyey sidatan: Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad sanadeedda.
13. Qodobka 81aad ee ka hadlaya Curinta Sharciyada, waxaa lagu siyaadiyey ama lagu daray faqrad cusub, oo aan horey ugu jirin nuqulka rasmiga ah ee dastuurka. Oo ka kooban A iyo B, una dhigan sidan: 2. Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha sare e barlamaanka federaalka ah u soo bandhigi kara( A) ugu yaraan hal wakiil oo ka socda dowladaha xubinta ka ah federaalka ama (B) Guddi kasta oo ka mid ah aqalka sare ee barlamaanka federaalka ah.
14. Qodobka 82-aad, faqradda 3-aad oo u qorneyd sidatan: ”In la helo qodob saamaxa iswaafajin iyo isu soo jiidka labada Aqal, haddii aan wax heshiis ihi dhicin”. Waxaa loo beddeley sidan: Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kastaa oo ka mid ah labada Aqal ayaa guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la iswaafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dawladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51-aa iyo 52-aad.
15. Qodobka 89-aad, faqradda koowaad oo u qorneyd sidatan: ”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya”. Waxaa lagu kordhiyey: Waxaa guddoominaya fadhiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
16. Qodobka 91aad ee ku saabsan Muddada xil-haynta Madaxweynaha Federaalka Somaalia, waxaa ku qornaa Madaxweynaha federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano, (waxaana loo bedelay 4 (afar) sano)
17. Qodobka 109-aad, faqradda 5-aad xarafka (h) oo u qoran sidan: ”Xubnaha Guddiga Adeegga garsoorka waxay shaqeynayaan muddo dhan afar (4) sano oo la cusbooneysiin karo hal xilli”. Waxaa laga dhigey xilhaynta shan (5) sanno (eeg qodobka 109 (A) faqradda 4-aad ee dastuurka lagu beddeley kan asalka ah).
18. Waxaa kaloo lagu kordhiyay Qodobka 109-aad (qodobbo kale oo loo bixiyey qodobka 109B iyo qodobka 109C oo ka hadlaya aasaaska iyo awoodda maxkamad dastuuri ah. Qobaddaas oo wadajirkooda ka kooban labo bog iyo bar kuma qorna Dastuurka asalka ah, eeg bogga 65-aad ilaa bogga 67-aad ee dastuurka lagu beddeley kan asalka ah).
19. Qodobka 111-aad (J), faqradda 3-aad xarafka (b) oo ku saabsan guddiga Is-cafiska iyo dib-u-heshiisiinta, waxaa laga tegey qaybtan: ”wuxuuna ku shaqeynayaa dhinaca shaqo ka fariisinta shuruudo iyo nidaam la mid ah kan Garsooraha shaqada lagaga qaado ama fariisiyo oo mar keliya ah, taas oo ah mid la mid ah muddo xileedka xubin ka tirsan Maxkamadda Sare, sida lagu xusey ……….. ee ku saabsan sababaha iyo habraacyada loo maro xil-ka-qaadista garsoore”.
20. Qodobka 131aad. Waxaa la soo geliyey qodob cusub oo aan dastuurka nuqulka rasmiga ah hore ugu jirin kuna saabsan xaalad deg degga ah, kana kooban 7 faqradood.
21. Qodobka 199aad ee ka hadlaya wax ka bedelka dastuurka, faqradiisa 3,aad waxaa ku qoran ugu yaraan 440.000 oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka bedelka dastuurka, (waxaa loo bedelay 40,000)
22. Qodobka 199-aad, faqradda 5-aad ee ku saabsan guddiga wax-ka-beddelka dastuurka oo la magacaabayo waxaa laga dhigey 10 (toban) xubnood Aqalkasta. (Tiradaas oo aan ku xusneyn Dastuurka asalka ah.)
23. Article 204 oo cinwaankiisu yahay Qodobo Qubane ah waxaa lagu daray Qodobka 2- aad oo u qoran sidan: Dhaqangalka qodobada la xiriira Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka meelaha lagu xusay Dasturkaan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo samaynta dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinayo xilka iyagoo ah xubno ka tirsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay samaynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Golaha Shacabka ayaa qabanaya dhammaan waajibaadka iyo howlaha Dastuurkan siisay Aqalka Sare wuxuuna u shaqaynayaa sida Baarlamaan ka kooban hal Aqal, si daacadnimo ku jirtana maanka ugu hayaa mabaa’diida asaasiga ah ee awood-qeybsiga ee nidaamka Federaalka lagu qeexay Qodobka 3-aad, Farqadiisa 3-aad ee Dastuurkan iyo danaha gobollada Soomaaliyeed marka laga gaarayo go’aanada.
24. Qodobka 207-aad, faqradda 2-aad xarafka (b) waxaa laga tegey orahdan: ”inuu jawaab gaar ah ka bixiyo su`aasha ama su`aalaha”
25. Qodobka 210aad ee Ciwaankiisu yahay Qodobbada is-khilaafsan, oo labo (2)
faqradood ka kooban, ayaa meesha laga saaray.
Jadwalka
Dastuurka lagu beddeley kan asalka waxaa ku qoran jadwal ka kooban:
• Jadwalka (A) waxaa la dhigay Jadwalka (C), iyadoo Jadwalka (A) lagu sawirey calanka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 6-aad faqraddiisa koowaad ee Dastuurka asalka ah.
• Jadwalka (B) waxaa la dhigay Jadwalka (D), iyadoo Jadwalka (B) lagu sawirey astaanta Jamhuuriyadda si waafaqsan qodobka 6-aad, faqradda 2-aad ee Dastuurka asalka ah.
• Jadwalka (C) oo ku saabsan: ”Kala guurka”: Isbeddallada la soo jeediyey in lagu sameeyo Dastuurka xilliga koowaad ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, (wuxuu ka koobnaa 17 (toban iyotoddoba) faqradood, waxaa laga tegey oo aan la qorin: faqradaha 9-10-12-13 iyo 17, eeg jadwalka (A) ee dastuurka asalka ah, boggiisa 88-aad iyo kan 89-aad).
• Jadwalka 1(D) oo ka hadlaya: ”Shuruucda mudnaanta koowaad leh in la sameeyo xilliga koowaad ee Barlamaanka Federaalka ah”, (wuxuu ka koobnaa 31 (soddon iyo koow) faqraddood waxaa laga tegey toddoba faqradood oo kala ah faqradda: 11- 12- 16-19-21-22 iyo 24, eeg Dastuurka asalka ah jadwalka (B), boggiisa 89-aad ilaa 91-aad).
Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 907 — 794312 /
794040 / 794776 / 794597 / 799128

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online