Qarax caawa ka dhacay meel u dhow Hotel Guhaad ee magaalada Gaalkacyo

August 2, 2013 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Waxaa caawa ka dhacay qarax goob ku dhow Hotel Guhaad ee xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug, Qarax ayaa wararka kale duwan oo ka soo baxay ay sheegayaan in uu ahaa qaraxu ahaa miino la doonayey in loo dhigo ciidamo ka tirsan Puntlland oo labadii maalmood baaritaano ka waday xaafadda Garsoor oo dhawaan lagu dilay nin ganacsade ah. Qof qarax waday ayaa la sheegayaa in uu ku dhawaacmay isag iyo qof kale balse markii ay ciidanku yimaadeen goobta ay rasaas badan is weydaarsadeen wallow aan ilaa hadda la aqoon in ay ciidanku qabteen iyo in kale .
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegay in qofka dhaawacmay la geeyey Isbitaalka Gaalkacyo iyadoo sidoo kale qof kale oo ilaalaynayey la qabtay haddana ay ciidanku ay su,aalo weydiinayaan, Ciidamo fara badan oo ku jirat warshada galayda ayaa la sheegayaa in ay ku soo biireen howl galka hadda ka socda Xaafadda Garsoor, weerarka caawa fashilmay ayaa ku soo beegmaya xili maal mihii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo siyaabo kale duwan loogu dilay haldoorkii magaalada oo iskugu jira ganacsato iyo aqoon yahano dhalinyaro ah oo u shaqaynayey hay.addo maxali ah.
Dilalka a ka socda magaalada Gaalkacyo oo lagu laynayo haldoorka Gobolka Mudug ayaa Saraakiisha ciidanka Puntlland ay ku eedeeyeen amniyaadka ururka Al-shabaab waxaan dhowr jeer oo hore dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ay u gudbiyeen Xabsiyadda ku yaal magaalada Garoowe.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online