Ra’iisul Wasaaraha DFS oo qaabilay wufuud ka socotay Q/midoobay iyo Midowga Afrika.[Warsaxaafadeed ]

August 29, 2013 - Written by Editor

IMG_8265Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen heshiiskii ka dhacay magaalada Addis ababa, iyo qorshaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ugu horeyntii goluhu warbixino uga dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga mudane Cabdikariin Guuleed, wuxuuna uga waramay xaaladda amniga dalka, isaga oo xusay in todobaadyadii ugu dambeeyey ciidanka amnigu ay xaqiijiyeen sugida amniga dalka, gaar ahaana caasimadda. Kulanka ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta uga warbixiyay afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli isaga oo tilmaamay in kulanka golaha diirada lagu saaray amniga.

Afhayeenka ayaa xusay in golaha Wasiirada ay ka doodeen heshiiskii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhex maray dawladda Federaal ka Soomaaliyeed iyo hogaanka maamulka Jubba, waxayna golaha Wasiirada soo dhoweeyeen isla markaana ansixiyeen heshiiskaasi. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay ansixiyeen qorshaha Boliiska ee 4-ta sano ee soo socota lagu maamuli doono, kaasoo ah qorshe lagu horumarinayo tirada, tayada iyo tababarka ciidanka Boliiska ee ka howlgala dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

no images were found

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaana hogaaminayay. Amb.Walid Musa oo ka socday Waaxda Ciidanka Nabad illaalinta ee Q/midoobay iyo Amb. Mahamat Saleh Annadif waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya sidii loo ballaarin lahaa howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa hadlay afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan, wuxuuna xusay in wufuudan ay shir wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha ayna ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa howlgalka AMISOM, looguna badali lahaa mid ku howlgala magaca Q/midoobay, waxaana wafdigani ay socdaalo ku sii tegi doonaan gobolada dalka, ee ay ka howlgalaan ciidanka AMISOM, sida Beledweyne iyo Baydhabo, iyaga oo qiimeyn doona howlgalada amniga iyo illaalinta nabadda ah ee ay ka wadaan goobahaasi iyo weliba mashaariicda horumarineed.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+25261-5536608
Mogadisho, Somalia 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online