Saldhig Boolis oo laga hirgeliyey Degmada Galdogob oo ka tirsan Gobalka Mudug

August 22, 2013 - Written by Editor

taliyesandadaqGaldogob:-Waxaa laga hirgeliyey Degmada Galdogob oo ka tirsan Gobalka Mudug Saldhig Boolis oo ka shaqayn doono sugida amaanka , Saldhigaan Booliska ayaa waxaa ka howl galay ciidamo Boolis ah oo la qalabeeyey waxaan ay howl galkii ugu horeeyey ku qabteen danbiilayaal doonayey in ay khamri soo galiyaan degaanada Puntland.

Furitaanka Saldhigaan Booliska ee degmada Galdogob ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamad Axmad , guddoomiyaha degmada Galdogob , iyo waxgarad kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamad Axmad ayaa saxaafada u sheegay in furitaanka Saldhigaan Booliska ah uu qayb weyn ka qaadan doono sugida amaanka iyo in ciidanku ay la socdaan dhaqdhaqaaq dadka soo gelaya Degmada Galdogob doonayana in ay uga sii gudbaan degaanada Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Mudug Jaamac Maxamad ayaa xusay in Saldhigaan Booliska ay u dhamaystireen wixii qalab ahaa lana donayo in bulshada ku dhaqan degmada Galdogob ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska si looga hortago kuwa doonay in ay khalkhal geliyaan nabadgelyada iyo amaanka ka jira deegaanada Puntlland.

Waxgaradka ku dhaqan degmada Galdogob ayaa soo dhaweeyey hirgelinta Saldhigaan Booliska ah waxaan ay ugu baaqeen Dowladda Puntlland iyo maamulka degmada Galdogob in ay ka qayb qaataan kobcinta xarumaha dowladda iyo goobaha waxbarashada iyo Isbitaalada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online