Sh.Cali Warsame oo noqday fursad ay afka ku furtaan wadaaddo hadalku ka xirnaa.

August 29, 2013 - Written by Editor

shcaliSh. Cali Warsame, ayaa waayadan  noqday fursad ay afka ku furtaan wadaaddo hadalku ka xirnaa. Sh. Cali Warsame, oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee diinta Islaamka ku gaboobay, ayaa waayadan dambe waxa uu hadaf u noqday wadaaddo Soomaaliyeed oo arrimaha Soomaaliya ka socda ay maradu kaga dhacday.

Maxaa lagu haystaa Sh. Cali Warsame

Sh. Cali Warsame, ayaa dhawaan waxa uu ka hadlay sida Salafiyiintu ay ugu xadgudbaan saddexa Sheekh ee kala ah:-

1-Sh. Ibnu Teymiyah

2-Sh. Ibnul Qayim

3-Sh. Maxamed Cabdul Wahaab.

Sh. Cali Warsame, ayaa sheegay in saddeexdaas Sheekh ay ka mid yihiin Culimada Islaamka,wax badan oo wanaag ahna u soo qabteen Diinta, wuxuuse ka digay in iyaga laga kormariyo dhamaan Culimada Islaamka, isagoona sheegay in dadka qaar si indho la’aan ah ay ugu tacasubaan Sheekhyadaas.

Dhanka kale Sh. Cali Warsame ayaa sheegay in Culimadaas saddexda ah ay yihiin bini’aadam khalad iyo saxba leh, isla markaasna qaarkood lagu haysto khaladaad hadalladooda lagu arkay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyey in wanaag badan ay Muslimka uga tageen.

Maxaa xigay

Markii uu Sh. Cali intaas ka hadlay, ayaa gudo iyo dibadba waxaa ka bilowday in wadaaddo badan ay afka furtaan, iyagoo ka dhigaya Sh. Cali Warsame nin diinta gaf weyn ka galay, waxayna bilaabeen inay Muxaadarooyin iyo Nadwooyin ka qabtaan arrintaas, iyagoo ku magacaayaba inay difaacayaan 3-da Sheekh ee laga hadlay.

Ujeeddada wadaaddada afka furtay

Wadaaddada sheegaya inay  Culimadaas ka difaacayaan Sh. Cali Warsame, isla markaasna Soomaaliya iyo dibadaha kala jooga, ayaa ah kuwa sida indha la’aanta ah u taageera Al-Shabaab, waxaana jirta in hadalku ka xirmay ka gadaal markii xarakadii ay difaaceeda xaq badan u garab mareen ay gaaleysiin iyo is dooxid iskula dhaqaaqday, taasoo ah wax in badan laga digayey,ka dibna ay iyagii dhexdooda qireen.

Wadaaddadan hadda fursadda ka dhiganaya Sh. Cali Warsame, ayaa doonaya bal inay dib boorka isaga jafaan oo kalmadahooda la dhageysto, walow markii horeba ayan haysanin dhageystayaal badan, ayaa haddana waxa ay waayeen kuwii la go’doonsanaa ee Culimada kale ee Soomaaliyeed uga soo go’ay, waxaana ay xaajo ku dhanaanaatay markii wixii ay taageerayeen ay ceebtooda iyagu banaanka keeneen, taasoo ay ku waayeen intii yareyd ee taageerayaasha u aheyd.

Maxaa ka jira waxa Sh. Cali Warsame ka hadlayo

Dad badan oo Salafiyiin sheegta, ayaa saddexdaas Sheekh si indho la’aan ah ugu tacasuba, iyagoona hadalladooda ka dhiga daliil aan laga daba hadli karin, waxaanaa isaga dhex yaacay daliilka iyo fahanka Culimada, walow ay dhici karto in wadaaddadan ayanba fahmin halka uu u socdo hadalka Sheekhyadaas.

Tusaale

Waxaa saaxada Soomaaliya lagu arkay dad dhahaya ” hebel waa gaal, hebel ama koox heblo dhiiggoodaa banaan, sababtoo ah Sh. Ibnu Teymiyah ayaa Mujaladka tiradaas ah ee Kitaabkiisa hadal noocaas ah oo kale ku sheegay” waxaase is-warsasho mudan dadka sidaas wax u dhigaya meyeysan su’aalahan is weydiin:-

1-Sh. hebel hadalkiisu ma daliil baa?

2-Maxay tahay duruuftu uu hadalkaas ku yiri?

3-Ma kala duwan yihiin waaqica Sh. hebel arrintaas ka yiri iyo kan maanta la joogo?

4-Sh. hebel sow arrintaan kuma khaldanaan karo?

5-Haddii Nusuusta Qur’aan iyo Sunnaba leh la doonayo in la waafajiyo halka loo daliishanayo xaggee joogaa Sh.  hebel oo marka horeba hadalkiisu uusan xujo aheyn.

Ugu dambeyntii: Fursad uma noqoneyso wadaaddada Soomaaliya iyo dibadaha ka hadlaya ee Sh. Cali Warsame iska laalaadinaya, iyadoo arrimaha iyaga lagu haysto ee dal, diin iyo dadba ay ku kharibeen ay weli horyaalaan, mirihii kharaaraa ee ka dhashayna la guranayo.

Isha qoraalka Somalireal.com

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online