Wafdi ka socda QM oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.
August 20, 2013 - Written by EditorJowhar:-Wafdi uu hoggaaminayo isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga Qaramada Midoobay ee gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey gudoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe,saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM. Philippe Lazzarini oo ah isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay ayaa warbaahinta ka sheegay ujeedada socdaalkiisa waxaana uu sheegay in uu Jowhar u yimid in uu u kuurgalo xaalada bini’aadannimo ee ka jirta gobolka Shabeellaha Dhexe
Wafdiga ka socda QM ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey hay’addo dhowr ah oo ay ka mid yihiin UNICEF,UNDP, UNOCHA iyo SOS.
A/Cawale
Halgan.net