Warbixin Machadka Khadiija bintu Khuwaylad ee magaalada Garoowe.[Masawirro]

August 29, 2013 - Written by Editor

2Garoowe:-Macahadka Khadiija Bintu Khuweylid ee Magaalada Garoowe Ayaa waxaa Albaabada loo furay si rasmi ah Sanad Dugsiyeed kiisii Sideedaad. Machadka Kadiija waa Machada Lagu Barto culuumta Shareecda Islaamka waxaana La asaasay Sanad Dugsiyeedkii 2005/2006m. Furitaankii machadka waxaa ka soo jeed shay muxaadarooyin iyo Kalilimaad Muhiimah shuyuukh iyo Culumo ay ka mid yihiin: Sh.Dr-maxamuud C/raxmaan (Hoorri) iyo maamulaha machadka Sh. Mukhtaar axmed faarax. Macahadka Khadiija waxaa wax ka barta arday gaareysa ilaa 600 oo arday kuwaas oo isu jira Wiilal iyo Gabdho, dhigtana  Heeraraka kala duwan, ee waxbarashada Machadka Sida: Marxaladda Asaasiga ah ,3sano, iyo Marxaladda  Sare, 3sano.

Mudadii uu Machadku furnaa laga soo bilaabo sanada dugsiyeedkii 2005/2006 waxaa ka qalin jabshay Afar dufco(Kooxood), oo tiradoodu gaarayso ilaa 109arday, waxaana xusuus muadan in kooxdii ugu horeysey  ay Sanadan ka qalinjebiyeen Jaamacadda Bariga Afrika. Dufcadii ugu danbaysayna waxay dhamaysay sanad dugsiyeedkii 2011-2012. waxaana kasoo qayb galay xafladoodii qalin jabinta Madax iyo Marti Sharaf ay ka mid ahaayeen  Sh C/qaadir Nuur Faarax ilaahay ha ka waraabiyo naxariistiisa, iyo Sh.Maxamuud Xaaji yuusuf  Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afriga Faraca Garooweiyo madax ka tirsanayd dawlad  Puntland sida wasiirka maamul wanaagga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, iyo marti sharaf kale.

no images were found

Machadka waxaa loo furay barashada culuumta shareecada ah, waxaana lagu tiriyaa macaahidda ugu waaweyn Soomaaliya ee lagu barto Culuumta shareecada Islaamka ,waxaana ka mid ahaa asaasayaashii machadka Sh. C/qaadir Nuur Faarax ilaahay ha u naxariistee,  Machadku Wuxuu Xubin ka yahay DALDDA isku xirta Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka mid yahay Macaahidda Xiriirka dhaw la leh Jaamacadda Bariga afrika.  Machadku wuxuu Laamo ku leeyahay magaalada gudeheeda , wuxuuna ku hawlanyahay sidii  uu dhawaan Xarumo Cusub ka furan lahaa Degmooyinka iyo Tuulooyinka waaweyn ee Gobolka Nugaal.

Qaybta Asaasiga ah ee Machadku Waxay ka qayb galeen Tartan aqooneedkii Dugsiyada dhexe, ee Gobolka Nugaal, Tartankan oo ay qabatay Mu’asasada Al-Minhaaj ayna baahineysey Idaacadda Qu’aanka Al-Xikma. Waxaana uu mac-hadku Tartankaas ka soo hooyey Guul balaaran Isaga oo ku guuleystey Kaalinta koobaad ee tartankaas. Wuxuuna ku guuleystey Jaa’isooyin iyo abaalmarinno Muhiim ah. Sidoo kale machadku wuxuu leeyahay urur isku xira ardayda dhamaysa waxbarashada machadka : رابطة الوفاء لخريجي معهد خديجة بنت خويلد.

Wixii Faah-faahin dheeraad ah kala xiriir maamulaha machadka KHADIIJA BINTU KHUWAYLID Sh. Mukhtaar axmed faarax: 002520907-721119

Email: Roob314@hotmail.com
Ibrahim  Cawil

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online