18 Maxbuus oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtay Togga Ciin oo lagu soo bandhigay degmada Qardho[Masawiro]

March 25, 2016 - Written by Editor

Maxabiis-Bander-Bayla4Qardho:-Waxaa maanta oo Jimce ah lagu soo bandhigay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar maxaabiis ka tirsan Al-shabaab oo tiradoodu ay gaaraysay ilaa 18 qof kana mid ahaa dhainyaradii ka tirsanaa Al-shabaab ee ka firxaday dagaalkii ka dhcag Togga Suuj ee dhexmaray ciidanka Al-shabaab iyo uwa dowadda Puntland.

Maxaabistaan ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa laga soo qabtay deegaanka la yiraahdo Dhalindbaar ,Durdura iyo Togga Qundheed oo dhinac bari kaga beegan Togga Suuj kana tirsan degmada Bandar Bay ee Gobolka Karkaar.

Maxaabistaan ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa markii ay soo gaareen deeganka Dhalin dhaar dadka deegaanka ay wargeliyeen ciidanka Puntland ka dibna waxaa dagaal kooban waxaa uu dhexmaray Cidanka Puntland waxaan ciidanka a dhaawacmay 2 askari halka cidankii shabaab uu ka dhintay hal askari midna uu ka dhaawacmay halka 18 kale la qabtay.

Dhinac kale maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada ayaa waxaa ay mahad u celiyeen dadweyna sida ay ugu soo wargeliyeen ciidanka Al-shabaab ee tegay Togga Ciin si ay uga dhuuntaan ciidana Puntland una gaaraan deegaano ka tirsan Gobolka Bar gaar ahaa Buuraha Golis oo ay ku sugan yhiin xubno ka tirsan Al-shabaab oo dhowr jeer dagaalo la galay ciidana Puntland.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online