Buugga Sharciga Ganaaxa Gaadiidka iyo Sharciga Wadamarista Puntland oo lagu daahfuray Boosaaso.[Masawiro]

March 1, 2016 - Written by Editor

DSC_0322Boosaaso:-Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland iyo Laanta Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikadda ayaa maanta magaaladda Bosaso kaga dhawaaqay inay dhammaan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Buuggan soo saaristiisa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Laanta ilaalada wadooyin ka ee Taraafikada Iiyo Waaxda Cashuuraha beriga W/Maaliyadda. Daahfurka Buuggan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiirka Amniga Puntland, Taliye K/xigeenka Booliska Puntland, Taliyaha Ilaaladda Wadooyinka iyo Agaasimaha Cashuuraha Bariga.

Agaasimaha guud ee Cashuuraha beriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Farxaan ayaa ugu horeyn sheegay in soo saarista Buugan iska kaashadeen saddex wasaaradood oo kala ah amniga,maaliyadda,howlaha guud. Mudane Cali Farxaan ayaa sheegay oo kale in qorshuhu yahay sidii buuggan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista.

Taliyaha Taraafikadda ee Ilaaladda Wadooyinka Maxamed Finiin waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Sababaha dhaliyay in la soo saaro Sharciga Wadooyinka iyo Buuga cusub ee Ganaaxa Baabuurta. Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo ka hadlay munaasabadii daahfurka buuga ayaa sheegay in Ciidamadda ilaaladu wadooyinka ay hoos yimaadaan wasaaradiisu, islamarkaana ay diyaar u yihiin fulinta iyo dhaqangelinta Buuga sharciga ganaaxa Wadooyinka.

Wasiirka Maaliyadda dowlada Puntland C/laahi Sheikh Axmed ayaa dhiniciisa xusay in sharciga wadooyinka iyo Buuga Ganaaxu uu yahay qayb muhiim ah oo ka tisan dowladnimadda iyo kala dambaynta. Buuggan ayaa qeexaya qofka xaqa u leh inuu wado Baabur, Qaabka loo adeegsanayo wadooyinka. Waxaa kaloo sharciga qaybtii ganaaxu uu taabanayaa dirwalada aan haysa laysanka baabuurta,

Sidoo kale baabuurka la dhigo baakino qaldan, baabuurta la buuxdhaafiyo iyo dhamaan baabuurta ku xadgudubta sharciyadda wado marista ee Dowladda Puntland. Buuggan Sharciyadiisa cusub ee la soo saaray ayaa dhaqangalaya 1-da Bisha Maarso ee sanadkan ,waxaana lagu baraarajuniyaa bulshada iyo gaadiidleyduba iney u hoggaansamaan.

no images were found

Waaxda Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Puntland/Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online