Ciidamo uu hogaaminayo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland oo gaaray degmada Jariiban

March 15, 2016 - Written by Editor

talyeGaalkacyo:-Wararka ka imaanaya degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu gaaray Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska dowladda Puntland C/qaadir Shire Faarax iyo ciidamo uu hogaaminayo oo xalay ka baxay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Ciidamadaan oo ah kuwa hubaysan ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada xeebta ah ee Garacad ee hoos tagta degmada Jariiban ee Gobolka Mudug oo shalay la sheegay in ay yimaadeen cidamo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidanka Puntland ee Gobolka Mudug waxaan socdaalkooda uu la xiriiraa dhaqdhaqaaq ciidan ee ka jira xeebta Garacad.

Dhinac kale ciidamo kale ayaa isla saaka ka baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaan ay u dhaqaaqeen degmada Jariiban iyagoo saacadaha soo socda uga gudbi doona magaalada xeebta ah ee Garacad oo la sheegayo in ciidamadii soo galay ay iskaga baxeen saaka.

Wararka kale oo ka imaaanaya degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidanka Badda Puntland ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan halka magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka socdaan abaabul ciidan iyo shirar.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online