Ciidanka Puntland oo shalay iyo xalay hawl-gal ka sameeyey aaga Bandar-Bayla

March 25, 2016 - Written by Editor

IMG_2757-1Qardho:- Waxaa xalay iska horimaad hubayan uu dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo qaar ka mid ah ciidamadii Al-shabaab ee ka soo firxaday Togga Suuj oo tiradooda lagu sheegay 18 askari ay yimaadeen deegaanka la yiraahdo Dhalindbaar ,Durdura iyo Togga Qundheed oo dhinac bari kaga beegan Togga Suuj kana tirsan degmada Bandar Bay ee Gobolka Karkaar.

Dhalinyaradaan hubaysan ayaa waxaa markii ay soo gaareen deeganka Dhalindhaar dadka deegaanka ay wargeliyeen ciidanka Puntland ka dibna waxaa dhexmaray iska horimaad hubeysan waxaan iska horimaadkaas ku dhintay 2-bo ka tirsan cidanka Al-shabaab halka ciidanku ay qabteen 9 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab , ciidanka Puntland ayaa waxaa a dhaawacmay ilaa labo askari.

Saraakiisha ciidamada Amniga ee gobalka Karkaar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidanka Puntland ee Gobolka Karkaar ay sameeyeen howl galo ka dib markii 18 askari oo Al-shabaab ah lagu arkay deegaanka Dhalinbaar ayna soo wargeliyeen dadka deegaanka.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Karkaar ayaa sheegaya in dhamaan ay is dhiibeen saaka firxadkii Al-Shabaab waxaana la geeyey magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar

Hoos ka Dhagayso goob jooge u waramay Radio Daljir ka dib iska hormaadka ka dhacay Dhalindhaar shalay

[audio: http://www.radiodaljir.com//resources2/files/Dhalinbaar%20.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online