Daawo Madaxweynaha DFS oo lagu soo dhaweeyey magaalada Beled weyne [Masawiro]

March 25, 2016 - Written by Editor

IMG_0695Hiiraan:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka daali doonin inay ka mira dhaliyaan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka jeediyay magaalada Beled Weyne oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay gaareen.

“Waa muhiim in maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah ee au u baahan yihiin sida amniga , kala dambeynta , waxbarashada , caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee horumarka’’.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in reer Hiiraan iyo reer Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad bisil oo looga fadhiyo inay la jaanqaadaan nidaamka federaalka ee dalka ka jira.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa raaciyay in meel fiican ay marayaan dadaalada la isugu soo dhoweynayo dhammaan beelaha wada dega labada gobol ee ku aaddan dhismaha cusub Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Ajendaha keliya ee dowladda ka leedahay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in maamul ay yeeshaan labada gobol. Waad la socotaan in maamullada Puntland iyo Galmudug ay dagaal kula jiraan cadowga nabada diiddan ee Al Shabaab. Guulo ayayna ka soo hoyeen. Waxaa hubaal ah in haddii degaannadaas aanay maamul yeelan lahayn ay ku adkaan lahayd inay Al Shabaab iska difaacaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Kulankii ugu horreeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Arrimaha GudBatraha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xasan , xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

no images were found

——————DHAMMAAD—-————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online