Daawo soo Dhaweyntii Raisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke (Masawiro+Cod)

March 25, 2016 - Written by Editor

IMG_3517Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa Maanta 25-March-2016 waxay kusoo dhoweeyeen Garoonka Kanooko ee duleedka Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey.

Soodhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana intaasi kadib loosoo gudbiyey waftiga Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaruhu si wada jir ah ugula hadleen warfidiyeenada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu ku qotonto sidii  Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay uga wada hadli lahaayeen geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka Soomaaliya.

“waxay noogu yimaadeen inaanu kawada hadalno maraxadda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya sidii loosii ambaqaadi lahaa oo ay Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalku uga wadashaqayn lahaayeen in Soomaaliya uu ka dhoco isbedel u hiilinaya Mustaqbalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay ra’iisul-wasaaraha kawada hadli doonaan arrimaha Amniga dalka oo ay qayb katahy guulihii ciidamada Puntland ay kasoo hooyeen duullaankii sharwadayaasha alshabaab ay kusoo qaadeen Puntland sidoo kale Arrimaha dhaqaalaha dalka ayuu sheegay Madaxweyne Gaas in ay kawada hadli doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Shirjaraa,id oo ay wada jir u wada qabteen Madaxweynaha Puntland iyo Raisulwasaaraha DFS.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyey guulihiii taariikhiga ahaa ee shacabka iyo  ciidamada difaaca Puntland iyagoo is garabsanaya  ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa ee Puntland kusoo duuley, waxaana uu intaasi  sii raaciyey in ay gacan kageysanayaan wax kaqabashada ciidamadii halgamayaasha ahaa ee Puntland ee dhaawacyadu kasoo gaadheen dagaalkii ay sharwadayaasha alshabaab kaga sifaynayeen Puntland.

no images were found

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Puntland kawada hadli doonaan masiirka ummadda Soomaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya, waddankana loogu jihayn lahaa meel wanaagsan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online