Dagaal dhexmaray ciidanka AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka dhacay J/hoose

March 20, 2016 - Written by Editor

KismaayoWararka ka imaanaya gobalka J/hoose ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo  Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka Qooqaani iyo Af-Madow waxaana ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa qarxay  ka dib markii ay kooxda Al-Shabaab  ay waddada u gashay ciidammo ka tagey Qooqaani oo u socday Af-madoow kuwaas la gaarsiiyey khasaaro kala duwan waxaana dhintay hal askari qaar kalana waa la dhaawacay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa guul ka sheegtay dagaalka ay ku qaadeen kolanyo ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa J/land ,oo ku socday Afmadow.

Dhanka kale dowlada Kenya oo ay ciidankeeda joogaan Degmooyinka Afmadow iyo Qooqaani ayaa sheegay in ay dileen 13 askari oo ka  tirsan kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka Kenya Col.David Obonyo ayaa sheegay in weerarkan ku qabsadeen 8  AK47 ah,2 qori oo PKM ah,2 RPG ah  iyo rasaas kala duwan.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara guulaha ay sheeganayaan Al-Shabaab iyo ciidanka dowlada Kenya  KDF

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online