Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS oo Kampala Ka Furay Kulan Howleedka Diyaarinta Qorshayaasha

March 29, 2016 - Written by Editor

JawaariKampala:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si rasmi ah uga furay maanta kulan howleed ku aadan diyaarinta qorsheyaasha Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankanna lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Khudbad uu ka jeediyey furintaanka shirka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu furan yahay kulan howleedkii 8aad ee lagu diyaarinayo qorshayaasha ama howlaha la doonayo in Baarlamaanka uu qabto Kalfahdiga 8aad ee dhowaan furmi doona hadii uu Alle idmo waxaana uu Guddoomiye Jawaari uga mahad celiyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kasoo qeybgalka shirkan.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey Howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in Kalfadhiga 8aad uu qabto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shaqada ugu muhiimsan ay tahay dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka taasina looga baahan yahay Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira iney gacan weyn ka geystaan taasi oo aheyd qodob ka mid ah is afgarad ay magaalada Muqdisho ku gaareen Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejineed ee dalka.

Kulan howleedkan oo kale ayaa la qabtaa mar kasta oo uu soo dhow yahay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse waxaanan kulanka kasoo qeybgalin markan oo aan lagu casuumin hay’adaha taageerra Baarlamaanka oo iyagu horey loo marti qaadi jirey ayadoo taa bedelkeedana la marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira si ay qorshe howleedkan talo ugu yeeshaan balse kulankii Guddoonka Baarlamaanka iyo hay’adaha taageerra ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho horaanta bisha April ee soo socota insha Allah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

 

Leave a comment

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online