Guddoomiyaha gobolka Karkaar C/qaadir Siciid Carshe oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Tog Suuj iyo Garmaal.[Dhagayso]
March 16, 2016 - Written by EditorQardho:-Guddoomiyaha gobolka Karkaar C/qaadir Siciid Carshe oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaan uu ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Garmaal, iyo Toga Suuj oo ku yaal Gobolka Nugaal. Gudoomiyaha gobolka Karkaar C/qaadir Siciid Carshe ayaa sheegay in Puntland ay ku soo duuleen koox huwan magacdiimed iyagoo si dhuumaalaysi ah ku soo galay magaalada xeebta ah Garacad ee ka tirsan degmada Jariiban.
Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiqaadir Siciid Carshe ayaa sheegay in deegaanka Garmaal iyo Suuj in ay magaalada Qardho u jirto laa 160KM waxaan uu shegay in ay dhamaa la hadleen deegaanada ku xeeran ayna la socdaan hadba meesha ay waxmarayaan isagoon ka digay in kooxda Al-shabaab la siiyo gacan ama la qariyo qofkii arrinkaas lagu qabtana ay dowladdu talaabo ka qaadi doonto.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiqaadir Siciid Carshe
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/codka-gudoomiyaha-gobolka.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net