Guddoomiye Jawaari Oo soo Xiray Kalfadhiga 7aad Ee Baarlamaanka DFS (Masawiro)

March 5, 2016 - Written by Editor

Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (6)Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah u xiray maanta Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga oo dhinaca kalena guddoomay billad sharaf ay guddoon siisay akadeemiyad caalami ah oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.

Bilowga kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa lagu hor qabtay Xildhibaannada munaasabad Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayadoo biladaasina ay guddoomiyaha u soo garteen akadeemiyada caalamiga ah ee “Giuseppe Pitre” ee fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo munaasabadda ugu horeyn ka hadashay ayaa tilmaantay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ay guul u tahay billad sharafta ah akadeemiyadan caalamiga ah u soo garatay Guddoomiyaha Baarlamaanka islamarkaana uu ku muteystay howlkarnimadiisa.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ah musharaxa biladda Nobel Peace Price oo ay akadeemiyadda Giuseppe Pitre usoo wakiilatay guddoonsiinta biladdan ayaa tilmaamay in akadeemiyaddan ay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u garatay bilad sharafta kadib markii uu muujiyey howlkarnimo uu wax ugu qabtay dadkiisa iyo dalkiisa.

Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ugu dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey akadeemiyadda Giuseppe Pitre ee dalka Talyaaniga garashada ay u soo garteen billad sharaftan islamarkaana uu ku guddoomayo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay marqaati u tahay howlqabadka ay muujiyeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah waxa uu u soo xeray maanta Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka khudbad uu ka jeediyey munaasabdda ayuu ugu baaqay Xukuumadda in 15ka April ay Golaha Shacabka ku hor keento barnaamijkeeda oo faah faahsan.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker 

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online