Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar C/laahi Farawayne iyo ciidamo la socda oo gaaray Garacad

March 18, 2016 - Written by Editor

faraweyneGaracad:-Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar Cabdilahai Farawayne iyo ciidamo fara badan oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray deegaan xeebeedka Gobalka Mudug gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Garacad. Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar C/laahi Farawayne iyo cidamada uu horkacayo ayaa ahaa kuwii ay xoogga Al-shabaab ay isku fara saareen deegaanka Bali-Badqaba iyagoo gacanta ku dhigay deegaanada lagu dagaalamay sidda saxaafadda ka howl gasha gobolka Mudug ay baahinayso.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar Cabdilaahi Farawayne oo la hadlay dadweynaha ku nool magaalada xeebta ah ee Garacad ayaa u sheegay in dadweynuhu ay is dajiyaan ayna ku kalsoonaadaan ciidamada Puntland. Ilaa hadda lama yaqaan halka ay aadeen xooggagii Al-shabaab ee la dagaalamayey ciidanka Puntland ee uu horkacyey  Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Gen.Cumar C/laahi Farawayne mana jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online