Wararkii ugu danbeeyey ee Degmada Garacad ee Gobolka Mudug

March 15, 2016 - Written by Editor

garacadGaroowe:-Wararka ka imaanaya shalay ilaa xalay ayaa sheegayey in magaalada xeebta ah ee degmada Garacad oo
ka tirsan Gobolka Mudug ay soo galeen ciidamo la sheegay in ay yihiin Al-shabaab iyagoo ku yimid doonyo. Dagaal yahanada ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxay doonyaha ay ku yimaadeen Degmada Garacad waxaana ay ka soo ambabaxeen degmada Xarardheere iyo deegaanada Koonfurta Mudug iyaga oo soo maray dhanka badda iyo dhulka waxaan warar is khilaafsan ka soo baxayaan tirada doonyaha oo ay wateen iyo tiradooda.

Xeebaha badda Soomaaliya ayaa waxaa jooga ciidamo kala duwan oo ka socda wadamada reer galbeedka waxaana ay Al-shabaab si sahlan ku soo mareen badda iyagoo oo wata hubkooda waxayn markii ay soo galeen magaalada xeebta ah ee Garacad ay jareen dhamaan isgaarsiinta iyo Korontada mana la soo sheegin cid ay dhibaateeyeen ilaa hadda.

Wararka ka soo baxay magaalada xeebta ah ee Garacad ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ciidamadii soo galay shalay ay isla xalay ka baxeen ka dib markii deegaanada u dhow dhow ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Wararka kale ayaa sheegaya in ciidanka lagu sheegay Al-shabaab ay u soo dhaqaaqeen dhinac degmada Eyl oo ah xeeb si ay ug sahlanaato in ay u gudbaan xeebaha Gobolka Bari walow uu jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidanka badda Puntland oo saldhig ku leh degmada Eyl.

Warar dhab ah in la helo ayaa aad u adag maadaam dhulka uu yahay dhul xeeb ah oo durug san dadka joogan ay u badan yihiin Kaluumaysto ,ilaa hadda ma jiro wax war ka soo baxay madax Al-shabaab oo sheegaya in ay ciidamadaan yhiin kuwa iyaga ka tirsan marka laga reebo wararka ay tabinayaan saxaafadda iyo siyaasiyiinta Puntland.

Warar aan weli la hubi oo la isla dhexmarayo ayaa sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwa ka go’ay ururka Al-shabaab oo doonaya in ay ku biiraan hogaamiyihii hore Al-shabaab ee Golis Cabduqaadir Muumin oo horay u sheegay in uu ku biiray ururka Daaich ee ka dagaalama Ciraaq iyo dalka Suuriya kana baxay al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online