Madaxeynaha Dawladda Puntland oo Booqday ciidamadii soo Afjaray Dagaalkii Suuj iyo Garmaal.[Masawiro]

March 22, 2016 - Written by Editor

IMG_2777Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo uu wehinayey Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22-March-2016 waxa ay booqoshaqo dhiirri gelin iyo bogaadin xambaarsan ku tegeen xeryaha ay degganyihiin ciidamada aan gabbashada lahayn ee soo afjaray dagaalladii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

Ugu horrayn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxay booqashadooda ka bilaabeen Xerada Ciidanka PSF ( Puntland Security Forces)  waxaanay halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamadii guusha kasoo hooyey dagaalkii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha alshabaab, waxaanay ciidamadaasi adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka loogu talo galay dagaallada goobaha qararka iyo buuraha ah.

Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa waxay uga warbixiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka guulihii taarikhiga ahaa ee ay kasoo hooyeen dagaalkii ay sharwadayaasha Al-shabaab kaga sifeeyeen deegaanada Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay gaadheen sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay cagta mariyaan cadow walba oo isku daya in uu wax u dhimo nabadda iyo xasiloonida ka jirta  Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Punyland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey ciidamadaasi hawl-galka sameeyey ee PSF ee sida gaarka ah u tababaran guulihii dhaxal-galka ahaa ee ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa iyo muddadii koobnayd  ee ay kusoo afjareen hawl-galka, waxaana u sheegay ciidankaasi in ay yihiin cidda keliya ee shacabka Puntland ay ku ladaaan.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho taa lamid ah waxay ku tageen xarada Ciidanka ilaalada Badda Puntland (Puntland Marine Police Forces PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii sharwadayaasha al-shabaab, kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay sharwadayaasha iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

Saraakiishii hoggaaminaysey Ciidamadaas  ayaa  ka war-bixiyey guulihii ay ka soo hooyeen  dagaalka iyo qaababkii ay uga hawl gelayeen dhulka oo isugu jirey dhul xeebeed iyo dhul buuro ah waxaanay  ballan qaadeen in ay cagta marin doonaan cidkasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Puntland oo ah Xeebaha ugu dheer Soomaaliya.

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada Badda Puntland waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ay ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee ay usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba, isla markaana ay dawladda Puntland la garab taagnaantooda dhiirri gelin, tayaynta qalabkooda iyo dar-dargelinta tababarro dheeraad ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu booqaan doonaa ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland oo ah ciidamada difaaca Puntland isla markaana birta ka aslay kooxihii nabad-diidka alshabaab oo damacooda gaabani uu siiyey in ay duullaan kusoo qaadaan Puntland oo nabad kusoo caano-maashay.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa kormeerro indho-indhayn waxay kusoo sameeyeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Duuslista Hawada Puntland halkaas oo ay ka socotey shaqa maalmeedkii wasaaradaha ee caadiga ahaa.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online