Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socdey dalka Turkiga.[Cod/Masawiro]

March 30, 2016 - Written by Editor

IMG_3755Garoowe:-Guddoomiyaha golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 30-March-2016 garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleed magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Wafti ka socdey dawladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirkii hore Waddanka turkiga u fadhiyey Soomaaliya Ambassador Dr. Kani Torun oo xubin ka ah baarlamaanka dawladda Turkiga, isla markaana xubin ka ah guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka dalkaasi.

Waftiga ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Safiirka Waddanka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bakar iyo saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo  Soo dhoweynta kadib  loosoo gudbiyey waftiga Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland halkaas oo uu kusoo ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen Dr. Kani Torun xiriirka u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga, arrimaha bulshada, Arrimaha banii’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda turkigu ka waddo Puntland iyo geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya.

“waxay noogu yimaadeen inaanu kawada hadalno xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Dawladda Puntland, sidoo kale waxaanu kawada hadalnay mashaariicda horumarineed, arrimaha ijtimaaciga ah iyo mid xagga banii’aadannimo oo ay doonayaan in ay ka sameeyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen geeddi-socodka nabadda Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay waftiga ka heleen ballan qaadyo badan oo dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha banii’aadaminimadaba ah isla markaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd mashaariicdaasi.

Dr. Kani Torun ayaa geestiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qaabka wanaagsan ee ay dawladda Puntland usoo dhoweysey isla markaana ay Puntland u yimaadeen sidii ay u dar-dargelin lahaayeen mashaariicdii ay Puntland ka fulin jireen welibana ay usoo kordhin lahaayeen mashaariic hor leh oo laga fulin doono deegaanada Puntland.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Madaxweynaha2.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3
Hoos ka Dhagayso Safiirka Turkiga Ambassador Olgan Bakar

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Safiirka-Turkiga.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online