Madaxweynaha DFS iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti ee xoojinta AMISOM[Masawiro]

March 14, 2016 - Written by Editor

ce3436f1-4af9-4f35-bfc0-5cc711bb2ae7-640x426Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira. Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey fulinta baaqii ka soo baxay shirkii dhowaan ay dalka Jamhuuriyadda Djibouti ku yeesheen madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Waxyaabihi shirkii Djibouti ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka ayaa isku afgartey sameynta guddi si degdeg ah u hawlgeli doona oo qiimeyn iyo fulin ku sameyn doona waxyaabaha aasaasiga u ah ka guul gaarista hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan sidoo kale looga hadley sidii degaannada cadowga looga xorreeyo loogu fidin lahaa adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Difaaca iyo Amniga, S/Guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Siyaasadda, Dr Awees Xaaji Yuusuf , qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

————–DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online