Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
March 25, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana si diiran u soo dhaweeyey madaxda gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada iyo Odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan .
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa doonaya mar kale in uu ku qanciyo Odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shirka Maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Sh Dhexe,
Raisulwasaaraha DFS ayaa ku fashilmay in uu ku qanciyo waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan in ay tagaan magaalada Jowhar si loo sii ambaqaado shirka Maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Sh Dhexe.
A/Cawale
Halgan.net