Madaxweynaha Jubbland oo hambalyo u diray ciidanka Puntland (Daawo)
March 27, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka Gobeleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyay Al -Shabaab inay caruur aad yar yar ka afduubeen deegaano ka tirsan Jubbooyinka.
Madaxweynaha Maamulka Gobeleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu ka hor sheegay baarlamaanka J/land in caruur gaareysa 165 caruur ah si qasab ah ay Al-Shabaab u kaxeysteen ayna siinayaan tababar .
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri “Deegaankaan maanta aan joogno Tuulooyin badan hadda waxaa ay Shabaab si qasab ah uga aruursadeen 165 Caruur ah oo kan ugu weyn uu yahay 14 jir ,si loo xasuuqo caruurtan yar ma taqaan diin ama shahiid.
Madaxweynaha Maamulka Gobeleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu hambalyo u diray Masuuliinta Maamulka Puntland iyo Ciidankooda kuwaas oo si xun u jabiyey kooxdii Al-Shabaab ee duulaanka ku soo qaaday deegaano ka tirsan gobalka Mudug iyo Nugaal.
Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha J/land Axmed Maxamed Islaam ka jeediyey Baarlamaanka J/land,
Cabdi Yare
Halgan.net