Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay.[Masawiro]

March 29, 2016 - Written by Editor

IMG_3741Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-March-2016 xafiiskiisa ku qaabilay wafti kasocdey Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka ayaa Madaxweynaha  waxaa kuwehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha Wasiirada dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimaha banii’aadantinimada iyo heer heerka ay ka joogta ilaalinta xuquuqda aadanuhu deegaanada Puntland arrintaas oo noqotay mid aad loogu ammaanay Dawladda Puntland qaabka ay u ilaaliso xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay wadashaqaynta ka dhexaysa hay’adaha qaramada midoobey ee Puntland kusugan iyo Dawladda Puntland waxaana la tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso wadashaqayntoodu isla markaana loo baahan yahay in lasii dardar geliyo wadashaqayntaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimaha abaaraha  ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada midoobey iyo Dawladda Puntland ay isaga kaashan lahaayeen gurmadka abaaraha, kaas oo ay dawladda Puntland mar hore bilawday.

Ugu dambayntii, ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada difaaca Puntland oo dhowaan jebiyey  kooxihii Al-shabaab  ee duullaanka kusoo qaaday  isla markaana kasoo hooyey guulihii taariikhiga ahaa.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online