Madaxweynaha Puntland oo soo afmeeray socdaalkiisii gaarayna Addis Ababa

March 18, 2016 - Written by Editor

gaasMadaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo bil ah  safar shaqo kujoogey waddanka Maraykanka ayaa maanta 18-March-2016 soo gaadhey magaalada Addis Ababa ee Xarunta Waddanka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarraysa dalkaasi isagoo kala hadli doona guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan kooxaha argagixisada alshabaab oo kusii xoogaysanaya geeska Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu usoo gudbi doona Puntland maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey ay dawladdiisu ku jirtey dagaal adag oo lagaga sifaynayo Puntland kooxaha Burcad diimeedka ah ee duullaanka kusoo qaaday  qaybo kamid ah deegaan xeebeedka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay isaga filantahay guluf walba oo ka dhan ah Puntland oo ay soo qaadaan kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo isku dayda inay  khalkhal ka abuurto Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalaba sida ee dawladda Puntland ay xaq u leeyihiin in ay helaan taakulada ay helaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa oo Amisom balse aanay jirin wax baahi ah oo Puntland u qabto in ciidamo shisheeye la keeno.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online