Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socdey IGAD.[Cod/Masawiro]

March 27, 2016 - Written by Editor

IMG_3617Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 27-March -2016 waxaa uu garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka Garoowe kusoo dhoweeyey Wafti Ballaadhan oo  oo ka socdey urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin.

Waftiga ayaa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyadoona ay wada qaateen kulan gaar ah oo looga hadlayey mashaariicda horumarineed ee urur goboleedka IGAD uu kufaliyo Puntland.

Waftigaasi ka socdey urur goboleedka IGAD ayaa ujeedka Socdaalkoodu waxaa uu ahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay kamid tahay dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso iyo hambalyo ay uwadeen ciidamada qalabka sida ee Puntland oo ka sifiiyey kooxihii sharwadayaasha ahaa ee duullaanka kusoo qaaday goobo kamid ah deegaano xeebeedyada  Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Igad ay kaduliso Puntland masaariic dhowr ah isla markaana ay maanta u yimaadeen in ay sii xoojiyaan dardar gelinta mashaariicdaasi iyo hirgelinta mashaariic kale oo cusub oo ay kamid tahay dhammaystirka wejigii labaad ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, barnaamijyo la xiriira adkaynta nabadgeliyada, iyo dugsiyo lagu baran doono farsamada gacanta iyo Kalluumaysiga oo dhowaan laga hirgelin doono Puntland.

no images were found

Xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyey ciidamada difaaca Puntland oo iyagoo aan wax taageero caalami ah aan haysan guulihii taariikhiga ahaa kasoo hooyey kooxihii sharwadayaasha al shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland, isla markaana waxa uu arrintaasi ku tilmaamay in ay tahay mid lagaga dayan doono Puntland.

Hoos ka Dhageyso Shirjataa,id ay  wada qabteen Xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin iyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ambassador Maxbuub ayaa sidoo kale sheegay in dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso ay bilaabi doonaan bisha April ee foodda inagu soo haysa ilaa bisha May toddobaadka ugu horreeya, sidoo kale waxaa uu sheegay Ambassador Maxbuub in ay ka qaby qaadan doonaan abaaraha kajira Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAH IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online