Madaxweyne Gaas iyo Saraakiil ka tiran Ciidanka dalka Itoobiya oo kulmay.[Masawiro]

March 18, 2016 - Written by Editor

5a020675-87ff-4a47-ab15-af5b69327665-1Addis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas oo subaxnimadii hore ee saaka soo gaadhey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa maanta 18-March-2016 waxaa kulamo muhim ah la qaatay saraakiil sarsare oo ciidaan oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Guud ee Ciidanka xoogga dalka Itoobiya General Samora Yonis iyo Taliyaha sirdoonka Millateriga  dalkaasi General Gabredela.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa saraakiishaasi ciidan waxa uu kala hadlay sidii ay Ciidanka qalabka sida ee  Puntland ay gacan uga siin lahaayeen dagaalka adag  ee ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee  Puntland duullaanka kusoo qaaday  kuwaas oo doonaya in ay isku fidiyaan  geeska Afrika.

Madaxaweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha kala hadlay muhiimadda ay leedahay Puntland iyo Itoobiya in ay iska kaashadaan is dhaafsiga xogaha la xidhiidha kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasiloonida gaamurtey ee ka hanaqaaday  Puntland iyo Itoobiya, maadaama ay jirto xuduud dheer oo ay wadaagaan Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha  ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay isaga filantahay cid walba oo isku dayda inay khalkhal nabadgelyo darro ka abuurto Puntland isla markaana aanay jirin baahi loo qabo keenitaanka ciidamo shisheeye balse ay ciidanka Puntland u baahan yihiin in lagala shaqeeyo  dhinacyada Tababarrada iyo taakulaynta ciidanka.

Saraakiishaasi ciidan ayaa ballanqaaday Puntland inay kala shaqaynayaan wixii tababar ciidan iyo taakulayntooda la xidhiidha ee Puntland ay uga baahan tahay Itoobiya, isla markaasina ay diyaar u yihiin in Puntland iyo Itoobiya ay kawada shaqeeyaan dhinacyada isdhaafsiga xogaha cadowga burcad diimeedka ah, kaas oo ah  cadowga keliya ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Itoobiya.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online