Madaxweyne Gaas oo xeebta Garacad ku sugan,xilli la soo bandhigay hub iyo maxaabis[Cod/Masawiro]

March 24, 2016 - Written by Editor

IMG_3252Garacad:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay soo gaadhey magaalada Jarriiban ee Gobolka Mudug ayaa isla shalayba waxa uu u amba baxay magaala xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo dhoweyeen xubno kamid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidanka oo muddadii dagaalku soconeyey ku sugnaa Deegaankaasi.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaadhey deegaanka Garacad ayaa waxa uu kulamo xog waraysi ah oo ku saabsan xaaladda guud ee deegaanka iyo dagaaladii sharwadayaasha Alshabaab oo dhowaan lasoo afmeeray la qaatay masuuliyiintii hawl-galka qaybta ka ahayd oo isugu jirey wasiiro iyo Saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa subaxnimadii saaka waxaa uu kormeero ku tegey goobtii ay kasoo degeen sharwadayaasha Al-shabaab oo ku taalla xeebta Deegaanka Garacad halkaas oo ay xilligaasi ku sugnaayeen kalluumaysto ku jirey shaqo maaalmeedkoodii caadiga ahaa.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu booqasho dhiiri-gelin iyo hambalyo ku qotonta ugu tegey cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland kuwaas oo dhowaan soo afjaray Hawl-galkii DANAB ee lagu soo afjarayey duullaankii qaawanaa ee kooxda burcad-diimeedka alshabaab ay kusoo qaadeen Puntland.

Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland ee hawl-galka kaga jirey Aagga Garacad iyo Godob jiiraan ayaa goobta kusoo bandhigay Saanad ciidan oo tiro badan oo isugu jirtey hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka qabsadeen kooxda Alshabaab, sidoo kale waxay soo bandhigeen 46 Maxbuus oo kusoo qabqabteen Hawl-galkii DANAB ee lagu cidhibtiray kooxihii Burcad-diimeedka shabaab ee duullaanka kusoo qaaday goobo kamid ah deeno xeebeedyada Puntland.

Ugu dambaytii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa shir jaraa’id oo ay ku faah-faahinayaan Hawl-galkii DANAB ku qabtay howgii uu Madaxweyne Gaas ka degganaa magaalada Garacad.

Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay Hawl-galkii ciidanka daraawiishta Puntland ay kaga jireen Aagga Garacad in uu soo gebageboobey isla markaana ay kaga dileen kooxihii soo duuley aagga garacad oo keliya 208, ayna kasoo qabteen 46 Maxbuus, sidoo kale agab Ciidan oo ka kooban 165qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 iyo qalab kakooban walxaha qarxa iyo Agabka loo isticmaali Isgaadhsiinta ciidamada, sidoo kale ciidamada Dawladda Puntland waxaa kaga shahiidey 20 askari iyo 60 dhaawac ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidanka daraawiishta Dawladda Puntland oo cagta mariyey kooxihii sharwadayaasha alshaab ee duullanka kusoo qaaday Puntland, taas oo calaamad u ah cududda ciidamada difaaca Puntland.

Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidanka Dawladda Puntland iyo shacabkii garab istaagay.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay dawladdiisu daryeeli doonto agoomihii ay ka tageen ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee ku shahiidey hawl-galkii DANAB ee ay burcad diimeedka Al- shabaab kaga sifaynayeen Puntland.

no images were found

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dagaalka Sharwadayaasha Al-shabaab ay kula jiraan ummadda Soomaaliyeed in uu yahay mid xambaarsan mabda’ isla markaana looga baahan yahay ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan

Sidoo kale carruutii lagu soo qabtay Hawlgalka ayuu sheegay Madaxweyne Gaas in loo suubinayo daryeel iyo xannaanayn dheeraad ah isla markaana lagu samayn doono hanuunin iyo dhaqan celin ayna ku noolaan doonaan nolol wanaagsan.

—DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online