Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha oo Xafiiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socdey Midowga Yurub.[Masawiro]

March 8, 2016 - Written by Editor

IMG_1954Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay Wafti uu hoggaaminayo  madaxa xafiiska siyaasadda ee midowga Yurub. Wafdigii ka socdey midowga Yurub ayaa waxay  sheegeen in ay Puntland ka caawin doonaan  hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ama hannaanka axsaabta badan maadaama dhowaan ay  Dawladdu magcawday guddigii doorashooyinka Puntland.

Waftiga ayaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha waxay kala hadleen geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifka Puntland ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka. Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdi xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa waftigii ka socdey midowga Yurub u sheegay  in dawladda Puntland ay ku shaqayso rabitaanka shabkeeda isla markaana shacabka Puntland ay hore u caddeeyeen dareenkooda ku aadan in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, kaas oo waddanka hore u soo ragaadiyey, isla markaana aanay jirin haba yaraatee  wax iska beddeley go’aankaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 aanay wax dan ahi ugu jirin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu haddii la oggolaado meesha ka saari doono rajadii laga qabey helitaanka qaranimo Soomaaliyeed oo  markale cageheeda isku taagta isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

Waftiga ayaa muddo kooban  ku sugnaan doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland waxaanay kulamo la qaadan doonaan muddada ay joogaan  Golaha Wakiillada Puntland, Wasaaradda Dastuur, Wasaaradda Amniga iyo guddiga doorashooyinka Dawladda Puntland ee dhowaan la magcaabay.

no images were found

DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online