Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku tegay Buuro-wadal[Masawiro]

March 14, 2016 - Written by Editor

IMG_2445Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa maanta 14-March-2016 waxay kormeer shaqo ku tageen deegaanka Buuro-wadal. Waftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenkiisa labaad, Xildhibaano, Wasiirro, Isimo iy saraakiil ciidan, waxaanay deegaanka Buuro-wadal u tageen soo afjaridda khilaafkii ka dhashay deegaanka bixin iyo adkaynta nabad gelyada Deegaankaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan ay adkaysnaan midnimadooda iyo  nabad gelyadooda, waxaana uu xusay in ay jiraan shaqsiyaad iyo maamulo kale oo neceb jiritaanka Puntland isla markaana loo baahan yahay in shacabka Puntland ay ku baraarug-sanaadaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa sheegay in ilaalinta nabad-gelyada Puntland ay tahay Muqaddas,  isla markaana aan laga oggolaan doonin cidna  in ay ku kacdo  waxyaabo khalkhal gelinaya nabad-gelyada iyo xasiloonida Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sheegay in khilaafkii ka-dhashay  deegaanka bixin aanu ahayn mid loo baahnaa isla markaana ay dawladdu hore go’aan uga qaadatay xallintiisa, maantana  ay u yimaadeen  Buuro-wadal sidii ay dadka deegaanku ay  dawladda ugala shaqayn lahaayeen adkaynta nabad-gelyada.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Ugaas Cabdulaahi Ciise oo kamid ah isimadii ka qayb galay kulankii dhexmaray dawladda iyo dadka deegaanka Buuro-wadal ayaa soo dhoweeyey go’aanka dawladda ee soo-afjaridda khilaafaadka iyo  adkaynta nabad gelyada waxaanay ballan-qaadeen in ay dawladda ku garab istaagi doonaan tallaabo walba oo dhinaca horumarka, adkaynta nabad-gelyada iyo ilaalinta midnimada Puntland loo qaadayo.

no images were found

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online