Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo oo Garoowe ka daahfuray Xafiiska hay’adda Macdanta iyo Shidaalka.[Masawiro]

March 5, 2016 - Written by Editor

DSC01504Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 5-march 2016 waxaa uu magaalada Garoowe ka daahfuray Xafiiska Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Dawladda Puntland. Munaasibadda furitaanka xarunta hay’adda Macdanta iyo shidaalka Dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland, Gudoomiyaha Haweenka Puntland, Xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo saraakiil ciidan.

Cabdicasiis Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) agaasime ku xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay markii ugu horraysey ay hay’adda macdanta iyo shidaalku xafiis ka furato caasimadda Puntland ee Garoowe, isagoona tilmaamay in xafiisku uu dadweynaha Puntland u fududayn doono inay keenaan waxyaalaha macdanta ah ee ay guryahooda ku haystaan, isla markaana ay ugu iib gayn doonaan dunida inteeda kale maadaama ay hay’addu xiriir wanaagsan la leedahay inta badan dalalka adduunka iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha macdanta.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in hay’addani ay wax badan ka beddeli doonto shaqada macdanta iyo shidaalka Puntland, maadaama xafiis rasmi ah ay ka furatay caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu baaqay dadweynaha Puntland inay lasoo xiriiraan xafiiska hay’adda macdanta iyo shidaalka Puntland si horumar wada jir ah looga gaaro arrimaha macdanta iyo shidaalka.

no images were found

DHAMAAD–
XAXFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online