Mareykanka oo sheegtay Weerarkii Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

March 9, 2016 - Written by Editor

usaSarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen. Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo xalay dhacay uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.

Hase yeeshee saraakiisha Maraykanku waxay beeniyeen inay la kulmeen wax dagaal ah weerarkaasi intii uu socday. Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in inkastoo la adeegsaday helikobatarrada Maraykanka haddana inaysan ciidankoodu aysan wada gaadhin meesha bartilmaameedkoodu ahaa.

Waxay saraakiiisha Maraykanku sheegeen in hawlgalku uu ahaa mid ay leeyihiin ciidamada Soomaalida doorkooduna uu ku ekaa mid talosiin ah.

“Waxaa wadnaa hawlgal aan ku taageerayno sida aad la socoto AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab. Waxaa Soomaaliya naga jooga ciidan tiro yar oo shaqadaas qabta, waxaana hawshaas ka mid ah in mararka qaarkood la wada sameeyo hawlgallo taas kaabaya,” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha Pentagon-ka.

Maxamed Aweys Abuukar oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Awdheegle ayaa sheegay in diyaarado qumaatiga ukaca ay qiyaastii 60 illaa 70 askar ay ku daadayeen deegaanka.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay weeraren saddex saldhig oo ku yaalla magaalada, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen mintidiinta.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in hal dagaalyahan looga dilay weerarka, balse ay iska caabiyeen oo ay fashiliyeen.

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online