Maxamed Saciid Atam oo ka dhoofay Muqdisho iyo Sh Xassan Daahir Aweys oo weli u xiran DFS.[Daawo]

March 6, 2016 - Written by Editor

atamMuqdisho:-Maxamed Saciid Atam oo kamid ahaa Horjoogayaashii ka goostay ururka Al-shabaab, una qaabilsanaa Deegaanada Puntland ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu magan galyo ka helay dalalka saaxiibka la ah dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Saciid Atam ayaa waxaa uu ahaa hogaamiyihii hore ee kooxda Al-Shabaab ee Galgala waxaana uu sanad iyo bilo ka hor isu soo dhiibay DFS isagoo ka faa’iidaystay cafis ay u fidisay xubnaha iyo hogaamiyaasha ururka Al-shabaab. Halkaan ka eeg Atam oo ka goostay Al-shabaab lana hadlay saxaafadda

Maxamed Saciid Atam oo waraysi gaar ah siyey Tv-ga Universal ayaa waxaa uu ka waran qaabka uu ugu nool yahay magaalada Muqdisho iyo weliba intii uu ka soo goostay ururka Al-shabaab wax shaqadiisu ay ahayd iyadoo wax laga wiidiiyey xiriirka ka dhexeeya atam iyo Sh Xassan Daahir Aweys.

Maxamed Saciid Atam ayaa sheegay in ilaa intii uu a soo goostay Al-shabaab uu dareemayo in culays badan uu ka degay uuna Alle uga mahadinayo ka bixitaankii Al-shabaab oo nabad gelyada uu qaatay ay ahayd mid uu aad uga fakaray. Maxamed Saciid Atam ayaa waxaa la sheegayaa warar la isla dhexmarayo in uu magangalyo siyaasadeed ka hellay dal aan weli la sheegin balse la hadal hayo in uu u dhoofay dalka Qatar.

Garabka ururka Al-shabaab ee dagaalka kaga jiray buuraha Golis ee uu hogaamin jiray Maxamed Saciid Atan aya waxaa hadda hogaaminaya hadda Yaasiin Kilwe oo Maraykanku uu ku doonayo madaxiisa lacag dhan  $3 milyan oo dollar. walow bishii November ee la soo dhaafay uu jiray  garab ka go’ay al-shabaab oo uu hogaaminayo Cabduqaadir Muumin uuna shaaciyey in uu ku biiray ururka Daacish.

Hoos ka Daawo waraysiga lala yeeshay Maxamed Saciid Atam hogaamiyihii Galgala ee Al-shabaab

Dhinaca kale waxaa weli u xiran Dowladda federaalka Soomaaliya Sh Xassan Daahir Aweys uu ka baxsaday Al-shabaab ka dib markii degmada Baraawe amniyaadka Al-shabaab ay ku dileen Ibrahim jaamac Miicad iyo Macalin Burhaan ka dibna uu tegay degmada Cadaado loo soo gacan geliyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online