Qarax caawa ka dhacay Makhaayada ku taal magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

March 10, 2016 - Written by Editor

qaraxGarbahaarey:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa uu ka dhacay Qarax Makhaayada ay dadweynuhu ku caweeyaan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Qarax ayaa waxaa uu ahaa mid lagu sii aasay Makhaayada waxaan ku dhintay 3 qof oo ay ku jirto haweenaydii lahayd Makhaayada iyo 2 qof oo kale oo rayid ah halka dhaawac uu soo gaaray 4 qof oo kale.

Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo  ayaa waxaa ay ka caafimaad qabtay qaraxyada noocaan ah balse waxaa saraakiiisha ciidanka ee Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaaray ay dagaalo badan uu dhexmaray ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo dhowr jeer isku dayey in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Garbahaarey.

Saraakiisha Ciidanka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo   oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay doonayaan in ay ku ogaadaan cida soo maleegtay Qarax lagu laayey dadkaan shacabka ah ee ku caweynayey Makhaayada qarax lala eegtay.

Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa bilihii danbe waxaa ay ka soo kabanaysay dagaalo halakeeyey waxaan magaalada laga dareemayey horumar dhinac dhismayaasha  iyadoo laga hirgelinayo Isbitaal weyn oo loogu magacdaray madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya Gen.Maxamed Siyaad Bare.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online