R.W. Cumar oo uga mahad celiyey Dawladda Talyaaniga Taageerada ay siinayso Soomaaliya.[Masawiro]

March 27, 2016 - Written by Editor

IMG_3591-640x426Garoowe:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dawladda Talyaaniga iyo Urur Gobolleedka IGAD uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, ka dib, kulan uu xarunta Madaxtooyada Puntland kula qaatay Xog-hayaha Guud ee Urur Gobolleedka IGAD Danjire Maxbuub Macalin.

Kulanka oo lagu soo bandhigayay dhameystirka mashruuca wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dawladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dawladda Talyaaniga ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, wuxuna xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsatay Talyaaniga in gacan ay ka geystaan dhismaha wajiga labaad ee Garoonka, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.

‘’Sidaa la socotaan dawladda Federaalka Soomaaliya waxay horey u balan-qaaday in gacan ay ka geysan doonto wajiga labaad ee Mashruuca dhismaha Garoonka Boosaaso, anagoo balan-qaadkaas ka duuleyna waxaan ka codsanay dalka Talyaaniga in ay naga caawiyaan dhamaystirka Mashruucan waana naga aqbaleen, iyagoo noo soo maraya Urur Gobolleedka IGAD, maantana waxay noogu yimaadeen sidii loo hirgelin lahaa fulinta qorshahaas.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin.

no images were found

—-DHAMAAD—–

Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Garowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online