Ra’iisul Wasaaraha DFS oo gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Puntland

March 25, 2016 - Written by Editor

sharmaarkeWafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa goordhow soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkisa iyo masuuliin ka tirsan labada gole ee xukuummada,

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxaa loo gudiyey xarunta Madaxtooyada Puntland waxaana la filayaa in ay saxaafada la hadlo saacadaha soo socda.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaan la shaacin ilaa haatan waxaana loo badinayaa in Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke uu hordhac u yahay wafdiga Madaxweynaha DFS oo iman doona Puntland.

Puntland ayaa horey u diiday qaadashada nidaamka 4.5 waxaana la wada sugayaa wax ka soo baxa kulanka Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo madaxada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online