Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Beledwayne

March 22, 2016 - Written by Editor

beledweyneRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xubnaha labada Golle ee Dawladda ayaa maanta gaaray magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan si loo guda galo dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxana inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Beledwayne si looga gudbo tabashada ay qabaan dadka deegaanku.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahadceliyey shacabka ku dhaqanka Gobolka Hiiraan sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Degmada Beledwayne, wuxuna sheegay inta uu joogo gobol in uu la kulmi doono dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka iyo cid walba oo jecel nabadda iyo horumarka deegaanka.

——-DHAMMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online