Sh.Caa’id Qarni الشيخ عائض القرني oo ka hadlay isku daygii dilka ee uu ka badbaaday.[Masawiro/Video]
March 3, 2016 - Written by EditorSh.Caa’id Qarni ( الشيخ عائض القرني) oo ka mid ah culimada dalka Sacuudiga si weyna looga yaqaano dunida Islaamka ayaa maalin ka hor ka badbaaday isku day dil ka dib markii uu ka soo baxay muxaadaro uu ka jeedinayey masjid ku yaal Waqooyiga dalka Philippine oo uu Sheekhu uu ku joogay socdaal dacwadeed.
Labo nin oo hubaysan ayaa Sheekha marka uu ka soo baxay muxaadaradii uuna galay gaarigii lagu waday isaga iyo culimo kale waxaa soo weeraray labo nin oo hubaysan oo tacshiirada ooda uga qaaday taas oo sababtay in Sheekh Caa’id Qarni uu dhaawac fudud ka soo gaaray gacanta halka culimadii kale ee la socotay aysan waxba gaarin.
no images were found
Ciidamo ilaalo ah oo la socotay sheekh ayaa waxaa markiiba ay ku guulaysteen in ay toogtaan mid ka mid ah 2 nin ee soo weeraray gaariga uu la socday Sheekh Caa’id Qarni halka kan kale ay ku qabteen nolosha.
Hoos ka Daawo sidda isku daygii dilka ee uu ka badbaaday Sheekh Caa’id Qarni
Muxaadarada uu Sheekh Caa’id Qarni uu jeediyey ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan waxaan uu sheekhu uu muxaadaradiisa uga hadlay islaamka waxaan uu ka digay xadgudubka diineed isagoo u baaqay in laga fogaado. Sheekha ayaa xusay in ay jiraan khatar lala maagan yahay culimo uu isagu ku jiro walow uu sheekhu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo.
Dowladda sacuuiga ayaa waxaa ay u dirtay diyaarada khaas ah oo Sheekh Caa’id Qarni u soo qaada dalka Sacuudiga arrinaas oo uu Sheekh Caa’id Qarni uga mahad celiyey Boqorka sacuudiga Salmaan iyo xukuumadiisa.
Hoos ka Dhagayso Sh.Caa’id Qarni oo ka hadlay saxaafadda isku daygii dilka uu ka badbaaday
Hoos ka daawo رسالة الشيخ عايض القرني من المستشفى في الفلبين بعد الإصابة
M_M_Deeq
Halgan.net