Shirkadda Golis oo $20,000 ugu deeqday dadkii Abaaruhu saameeyeen.[Masawiro]

March 13, 2016 - Written by Editor

featuredBoosaaso:-Munaasabad ay shirkadda Golis ku wareejinaysay deeq lacageed oo gaaraysa 20,000 oo doolar oo ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Puntland ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso. Lacagtan ayay shirkadda Golis ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo mudooyinkii dambe ku hawlanaa ku wacyi galinta dadka Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan u gargaarida walaalohooda u baahan gacantooda, waxana lacagtan la qiyaasay in lagu iibin karo 200 oo booyadood oo biyo ah.

Ugu horayn waxaa munaasabadda ka hadlay Hogaanka xiriirka dadwaynaha shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire isagoo sheegay in shirkadda Golis ay mar walba diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wax walba oo bulshada wax loogu qabanayo si gaar ahna ay uga damqadeen maanta walaalohooda haraaddan ee abaaruhu saameeyeen taas oo uu xusay inay keentay inay maanta keenaan $20,000.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Golis Saciid Aadam Axmed ayaa dhankiisa xusay inay muhiim tahay in wax lagu bixiyo hawlaha noocan ah isagoo intaas ku daray in Golis ay mar walba hormuud u noqnayso u kicida dadka dhibban sidii horayba loogu yaqaanay talaabadanna ay markhaanti ka tahay.

Intaas kadib ayaa masuuliyiinta shirkadda Golis ay gacanta u galiyeen guddiga gurmadka abaaraha jeeg lacageed oo ay ku qorantahay 20,000 waxana markii ay gudoomeen kadib uga mahadceliyay shirkadda Golis talaabada dahabiga ah ee ay qaadday gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

“Shirkadda Golis oo bilaw aad wanaagsan noo samaysay waan u mahadcelinaynaa waxaanna ku boorinaynaa dhamaan ganacsatada iyo shirkadaha kale inay iyaguna ku daydaan Golis oo ay waraabiyaan walaalohooda haraaddan” ayuu yiri Shiekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Qaar ka mid ah Culamaa’udiinka waawayn ee Puntland oo qayb ka ah guddiga gurmadka abaaraha Puntland kuwaas oo ay kamid ahaayeen sheikh Daahir Aw Cabdi iyo Sheikh Axmed Yuusuf Daad oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda u duceeyay shirkadda Golis oo ay ku amaanneen sida mar walba xilka isaga saarto dadka dhibaataysan ee ay lasoo daristo xaaladaha banii’aadanimo.

Deeqda lacageed ee ay maanta gaarsiisay Golis guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa noqanaysa deeqdii ugu badnayd waxana la filayaa inay sii socdaan hawlaha ay wadaan guddigu ee ay lacagaha ugu ururinayaan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo badan oo kamid ah deegaannada Puntland kuwaas oo ilaa hada aan gacan wayn ka helin walaalohooda wax haysta.

no images were found

Xafiiska warbaahinta Golis
Halgan.net ,Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online