Shirkii Golaha xukuumadda Federaalka oo lagu soo qaaday dagaalkii dhexmaray Puntland iyo Al-shabaab.[Masawiro]

March 24, 2016 - Written by Editor

1-2Muqdisho:- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar C/rashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddu ku tagey dalka Talyaaniga iyo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugu horayntii Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuna sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhex-marey Ciidamadda Puntland iyo Kooxda Al-shabaab. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu boggaadiyey Ciidamadda Puntland sida geesinimada leh ee ay dagaalka ula galeen Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in Talyaaniga ay kala hadleen sidii maalgashi loogu sameyn lahaa Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay booqasho labo maalin oo uu ku tagey magaalada Beled-weyne in odayaasha deegaanka uu kala hadlay ka qeyb galka shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobollada dalka, iyadoo baaq loo direy cid walba oo gacan ka geysan karta caawinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

no images were found

——-DHAMMAAD—–

Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online