Taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen.Siciid dheere oo uga warbixiyey Madaxweyne Gaas dagaalkii Garacad[Dhagayso]

March 24, 2016 - Written by Editor

Gen.Siciid-DhereGaracad:-Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowlada Puntland Gen.Siciid dheere ayaa waxaa uu madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uga warbixiyey dagaaladii ka dhacay deegaano hoos yimaada magaalada xeebta Garacad ee dhexmaray ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidana Puntland.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowlada Puntland Gen.Siciid dheere oo ahaa taliyaha guud ee hogaaminayey dagaalka ka socday Aag Garacad ayaa sheegay in ay iska difaaceen ciidanka Al-shabaab oo ilaa 7 doon ku yimid magaalada Garacad 14/03/2016.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowlada Puntland Gen,Siciid dheere ayaa sheegay in ay soo afjareen ciidankii Al-shabaab ayna jab u geyten ciidanka dowladda Puntland waxaan uu sheegay in madaxweynaha uu indhihiisa uu ku arki doono khasaaraha la gaarsiiyey ciidanka ururka Al-shabaab ee duulaanka ku yimid deegaanada Puntland.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowlada Puntland Gen.Siciid dheere ayaa waxaa uu mahad balaadhan u jeediyey ciidanka dowladda Puntland qaybihiisa kale duwan ee dagaalka ka wada qayb qaatay iyo weliba shacabka deegaanka Garacad iyo Gobolka Mudug oo iyagoo isku duuban la dagaalamay ciidanka Al-shabaab.

Hoos ka Dhagayso warbixinta kooban ee Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowlada Puntland Gen.Siciid dheere

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Gen-Saciid-Dheere-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online