Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland oo ka hadlay Xaalada magaalada xeebta ah ee Garacad.[Dhagayso]
March 17, 2016 - Written by EditorGaracad:-Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen.C/qaadir Shire ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay xaalada guud ee magaalada xeebta ah Garacad oo hoos tagta degmada Jariiban ee Gobolka Mudug waxaan uu ka waramay dagaalka ka socda Toggaa Suuj oo ka tirsan deegaanka Garmaal ee degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen.C/qaadir Shire ayaa sheegay in xaaladu tahay mid degan ayna jirin wax dhul ah oo laga haysto Puntland isagoo meesha ka saaray in ciidanka Al-shabaab ay haystaan deegaanka Ilfoocshe ka dib markii ka baxeen magaalada xeebta ah ee Garacad.
Hoos ka Dhagayso Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen.C/qaadir Shire
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Taliye-kuxigeen-puntland.mp3]A/cawaale
Halgan.net