Taliyihii booliiska Somaliland ee gobolka Saaxil oo la dilay
March 1, 2016 - Written by EditorHargeysa:–Taliyihii booliiska Somaliland ee gobolka Saaxil ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay gobolkaas, sida uu xaqiijiyey Taliyaha booliiska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan.Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka gobolka Saaxil iyo dad mudaaharaad sameynayey ay isku dhaceen, islamarkaana taliyaha uu ku geeriyooday isku dhacaas.
Si katsaba, Taliyaha booliiska Somaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa VOA-da u sheegay in koox burcad ah oo hubeysan ay dileen taliye Cabdirisaaq Yuusuf Axmed.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliiska oo howl-gal amni ka waday meel buuraley ah oo u dhow deegaanka Biyoole ay soo weerareen koox hubeysan, halkaasna ay ku dileen.
Dhacdadan ayaa illaa iyo hadda aan laga hayn wax faahfaahinno ah oo intaas dheer.
VOA Somalia