Wafdi ay hogaaminayaan Wasiirka Arimaha gudaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo tegay Deegaanka Bixin

March 10, 2016 - Written by Editor

2Garoowe:-Wafdiga ka socda dowlada Puntland oo uu hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab , Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa gaaray deegaanka Bixin si ay ugu kuurgalaan xaalada deegaanka.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo la hadlay saxaafadda  ayaa xusay in xal laga gaaray koontroolka Bixin ayna dowladdu  dhamaystitayso howlaha qabyada ka ah Koontroolka ayna shaqo fiican ka socoto.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanka Bixin in laga shaqeeyo nabad gelyada wixii dhib ah oo jirna ay dowladdu hadda saxday wixii dhimana la dhamaystiri doono.

Wasiirka arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan  ayaa kormeeray goobihii lagu sameeyey calaamadaha oo dhamaan ay ciidanka dowladda Puntland ay burburiyeen si looga fogaado in beelaha ay isku qabtaan deegaanada daaqsinka ah haddii lagu sameeyo dhismooyin ama calaamado.

Dhinac kale Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Xaashi iyo xubnaha golaha joogtada ah ayaa iyagu sheegay in dowladda howlihii loo xilsaaray ay ka soo baxday lana burburiyey dhamaan calaamadihii deegaamaynta.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Xaashi ayaa uga digay bulshada in ay ku kadsoomaan hagardaamooyin ay wadaan siyaasiyiin wax ka raadinaya in shacabka reer Puntland ay ka dhex abuuraan colaad iyo isku qabsi dhul isagoo sheegay in dhulku ay masuul ka tahay dowladda Puntland.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online