Dad loo qabtay weerarkii lagu qaaday xalay guriga Xildhibaan Dhaayow
April 28, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS ay gacanta ku dhigeen nin aad loogu tuhmayo inuu ka mid ahaa koox weerar ku qaaday habeen hore guri uu Muqdisho ka deggan yahay xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow.
Wasaaradda amniga ee DFS ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah ragii weeraray guriga Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow oo ah xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Soomaaliya waxaana weerarka ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada xildhibaan Dhaayow.
Af-hayeenka wasaaradda amniga, ee DFS Cabdikaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in baaritaan ku socdaan ninka la soo qabtay wuxuuna sheegay in qaar kale ay ku daba jiraan.
Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow ayaa ka badbaaday weerarka lagu soo qaaday gurigiisa kaas oo la rabay in lagu khaarajiyo.
A/Cawale
Halgan.net